Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay xubno ka socday Beesha Caalamka.

5

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada wafdi kasocda beesha Caalamka.

Madaxweynaha uu kulanka la qaatay waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin  kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in lagu garab istaago oo loo madaxbaneeyo shaqooyinka horyaala taas oo wax badan ka tari karta shaqooyinka socda.

Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wuxuu ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro arimaha kasoo cusboonaday Dowlad Goboleedka Galmudug si ayna caqabad ugu noqon shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala Dowlad Goboleedkaas taas oo ay masuul ka yihiin sharciyadna u leeyahiin maamulka deegaanadaas masuuliyiinta Dowlada  Galmudug.