Madaxweynaha Puntland oo xilka qaadis iyo magaabis sameeyay

2

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xil kaqaadis ku sameeeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland.

Hoos ka akhriso

Garoowe: 29 September 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.2. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.DHAMMAAD