Burcad hubeysan oo ganacsade soomaaliyeed ku dilay Koofur Afrika.

6

 Burcad hubeysan ayaa xalay ku dishay ganacsade Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Axmed degaanka Ga-Mawa Block 7 oo u dhaw magaalada Tzaneen , gobolka Limpopo ee dalka Koofur Afrika.

Kooxda burcadda ah ayaa sidoo kale dishay haweeneey u dhalatay isla dalka Koofur Afrika oo shaqaale ka ahayd goobta ganacsi ee marxuum Axmed.

Labada qof ayaa lagu toogtay afaafka hore ee meheradda, iyagoo boob u geystay hantida tiillay goobta ganacsi,sida ay warbaahinta u sheegeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo sheedda kala socday falkaasi.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa baaritaanno ka sameeyey degaanka uu dilku ka dhacay, balse ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi.