RW Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha Ciidammada lugta Uganda

8

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha ammaanka iyo sida Ciidanka AMISOM ay u sii xoojin laahayeen nabad galyada guud.

Waxaa Ra’iisulWasaarahu uu ka mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ay ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka Maanta ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Cusub ee Ammaanka kaasi dhaaan uu Magacaabay RW Rooble.