Galmudug oo beenisay in Ahlusunna duulaan ku tahay deegaannada maamulkaas.

22

Dowlad goleedka Galmudug ayaa ka hadashay wararka sheegaya in magaalada Dhuusamareeb ay duulaan ku yihiin Ururka Ahlusunna oo horay u maamuli jiray Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo wararkaasi Galmudug ku sheegtay mid been abuur ah islamarkaana ay buun buuninayaan Warbaahinta Madaxa banaan waa sida uu hadalka u dhigee.

Axmed Shire Falagle oo ah Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xusay in ay jiraan saraakiil Ahlusunna katirsan oo Galgaduud u jooga arrimo ku saabsan Siyaarada sheikh caan ah, balse wuxuu beeniyay in ay jirto abaabul ciiddan oo ay ku howlan yihiin.

Sidookale Wasiirka ayaa Warbaahinta Madaxa Banaan ee Galmudug ka howlgasha ku eedeeyay iney ka faa’idaysanayaan xorriyada ay haystaan, islamarkaana wararkaasi been abuurka ah ay bulshada ku khalkhal galinayaan.

Wuxuu sheegay  Dowlad Goboleedka Galmudug  in aysan dhibaato u arag in Ahlusunna ay dib ugusoo laabtaan deegaannadooda kuna siyaaraystaan, taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay dabacsanaanta ay Galmudug muujinayso.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud waxaa laga dareemayay maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ciiddan iyo hub aruursi ay wadaan Ururka Ahlusunna oo ay Dowladda Soomaaliya ugu itaal roonaatay guud ahaan Galmudug, kadib dagaal xoogan oo dhacay.

Waxaa sidoo kale jirta saraakiil katir sanaa ciiddanka xoogga oo iyaga iyo ciidankoodii iyo hubkoodii ku biiray Ahlusunna, iyadoo  laga cabsi qabo in Ahlusunna ay weeraraan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee ka tirsan Galmudug.

Mar ay warbaahinta ka hor jeediyeen shir jaraa’id Madaxda ugu sarreysa Ururka Ahlusunna ayaa sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ay dayaceen deegaannadii hore dagaalamayaasha Al-shabaab laga saaray.