Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay qarixii ka dhacay Muqdisho.

3

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirkii Amniga Gudaha ee uu magacaabay Ra’iisul iisul Wasaare Rooble ayuu kaga hadlay Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgooska Ceelgaabta ee muqdisho.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraalkiisa ugu horreyn si adag ugu Cambaareeyay falkii argagixisadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan Cambaareynayaa Falkii Waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay muqdisho, kaas oo ay argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa sidoo kale qoysaskooda iyo Umadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay shacabkii ku geeryooday weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho.