M/weyne Ku-xigeenka Galmudug oo xariga ka jaray dekadda Hobyo.

9

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa xariga ka jaray dekadda kaluumeysiga ee hobyo, kadib markii maanta ay gaarayn magaaladaasi isaga iyo wafdi uu horkacayo.

Waxaa si wada jiraa iskaga kaa shaday dhismaha dekadda Hobyo Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Taliyaaniga, iyadoo  Kaluumeysatada dowlad Goboleedkaasi ay  saacidi doonta.

Munaasabada Xarig ka jarka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dekaddaha iyo Kaluumeysiga, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya,  labada gole ee Galmudug, Maamulka Magaalada Hobyo, iyo Masuuliyiin ka socda Dowlada Taliyaaniga iyo Hay,ada WFP.

Dowlada Goboleedka  Galmudug ayaa sido kale wada Qorshe lagu dhisayo Dekadda Weyn ee Hobyo iyo Garoomo Diyaaradeed oo dhowr ah.