Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Guddi cusub (Wareegto)

3

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta oo sabti ah magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Baay, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku-xigeenkii hore.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed loogu magacaabay Isaaq Maxamed Isaaq oo bedelaya Guddoomiye ku-xigeenkii hore.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa isla Maanta magacaabay Guddiga adeega Garsoorka deegaanada Maamulkaas .

Guddiga uu magacaabay Lafta-gareen ayaa ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Axmed Cali Muuse, isla markaana waxaa Guddiga qeyb ka ah Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Koonfur Galbeed Aadan Mukhtaar Suuriye.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.