Maxkamada Ciidamada oo Laba ruux oo ajaanib ah xukun xabsi ciidan ah ku riday.

4

Dhageysi maxakamadeed kadib, maanta ayey xukun ku riday Maxakmada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya shaqsiyaad ajaanib ah, kuwaas oo loo heesto Ka mid ahaanshaha kooxda Al-shabaab iyo in dalka  kusoo galeen sifo sharci darro ah.

Maxkamadeynta Raggan ayaa heerar kala duwan soo martay, iyada oo 18-kii bishii April ee 2019-kii ay u gacan galeen Puntland, waxaana xiligaas kadib loo soo wareejiyey  magaalada Muqdisho.

Xukunsanayaasha oo labo ah ayaa kasoo kala jeeda dalalka England  iyo Malasia,  kuwaas oo dalka soo galay sanadihii 2009 iyo 2010kii.

Darren Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 35 jir Malaysian ah Ayaa ka qeyb galay dagaalo al shabaab ay la galeyn ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxkamadda Ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in Darren Anthony Byrness oo biritish ku dhashay gaar ahaan magaalada london uu  ka qeyb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka.

Darren Anthony ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu qeyb ka ahaa weerar kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska gaar haan magaallad Paris, isaga oo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay aheyd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysa.

Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo ahaa ninka labaad ee la xukumay, oo ah maleesiyaan ku dhashay magaalada kuwalambuur ee caasimad dalkaas ayaa dhankiisa ku lug lahaa weeraro al-shabaab ay ku qaadeen magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb, isagoona sidoo kale shabaab u qaabilsanaa adeega gurmadka deg-dega ah.

kadib markii uu soo kala dhaxgalay Kala shaki  iyaga iyo Ururka Al-shabaab  ay katir sanaayeen ayey xabsi kumuteesteen labadooda,  iyadoona uu fashilmay isku day mar ay dalka uga bixirabeen, kadib markii ay kusoo celisay doontii ay saraanyeen Yamen xiligaas oo ay ka baxeyn Xebta Xarardheer.

Maxkamadda Ciidamada sida ayaa Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ku xukuntay mid-kiiba 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute, isagoona sheegay iney haystaan racfaan ku eg muddo 30 cisho ah.

Maaha markii ugu dambeyay ee Maxakamada Ciidamada qalabka Sida ay xukuno ku rido shaqsiyaad ajaanib ah, kuwaas oo loo heesto kamid aahaan-shaha Ururka Al-shabaab