Faah-faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay Marka

9

Faah-faahino ayaa ka soo baxaya qarax miino oo barqadii maanta ka dhacay bartamaha magaalada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in uu ka dhacay gudaha Garaash ku yaalla Suuqa magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal ruux oo isugu diyaarinayay, iyada uu burbur soo gaaray qeybo kamid ah Garaashka ,sida ay sheegeen dadka ag dhowaa.

Ciidamada ammaanka ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal. Laamaha ammaanka ma bixin faah-faahin ku aadan baaritaanada ay sameeyeen.