Dowladda Soomaliya oo war kasoo saartay ganacsato Soomaaliyeed oo Lagu xiray Turkiga

5

Booliska magaalada Ankara ayaa 16-kii bishan waxaa ay xireen ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo shalay oo talaada ah lasoo daayay, iyada oo loo qabtay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay kaga baxaan dalka Turkiga.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid ayasa sheegay in isbedelka ka dhacay Afgaanistaan uu dhaliyay in culeys Xukuumadda Ankara ay saareen xubnaha mucaaradka si ay wax uga qabato Ajaanibta.

“Waxa aan ka war-helnay olole lagu uruurinayo Ajaanibta Ankara Joogta oo Soomaalidu qayb ka tahay, wixii ka dambeeyay isbedelka Afgaanistan waxaa xoogeystay qabqabashada Dadka aanay u dhalan Dalka, waxaa nala xiray 9-ruux oo 7-kamid ah waa Rag & 2-Dumar ah balse waan ku guuleysanay ugu dambeyn in aan soo deyno”

“Dadka la xiray waxaa kaararkooda ugu qoran Arday, Caafimaad in uu ku yimid Turkiga, Dalxiis & Diblumaasiyiin, Dowladda Hoose ee Ankara ayaa ku doodeysa in shaqada ay hayaan dadkaan ee ganacsiga iyo kaararkooda iska hor imaanayaan” ayuu yiri Danjire Jaamac Caydiid.