Dhul gariir khasaaro geystay oo ku dhuftay dalka Australia

11

Dhul gariir xooganaa oo lagu qiyaasay 5.9 riktor oo ku dhuftay magaalada Melboon ee dalka Australia ayaa sababay burburka inta badan dhismooyinka magaaladaas.

Lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo dhl gariirkaan ka dhashay waxaana dadku banaanka uga baxeen guryaha markii ay ruxanka dareemeen.

Dhawr gobol oo kale oo Australia ku yaala ayaa laga dareemay dhul gariirka maanta ku dhuftay dalkaas waxaana heegan la geliyay kooxaha gurmadka Australia

R/wasaaraha Australia Iskoot Morisoon ayaa sheegay inuu culayska la wadaagayo dadka ku hanti belay masiibadda dhacday.