Alshabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ciidamada kenya ay degnaayeen

6

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Alshabaab oo weerar madaafiic ahaa ku qaadey Saldhig Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaano hoos yimaada Gobolka Gedo

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya iney qasaaro xooggan ay  soo gaareen ciidamada Kenya sida warar ay daabaceen ay ku sheegeen dagaalamayaasha Alshabaab .

Sidoo kale waxay sheegaan Alshabaab  inay madaafiicda ay ku garaaceen Xerada Ciidamada Kenya ee kuyaaley degmada Ceelwaaq ee Maamulka Jubbaland .

Dadka deegaanka oo maqlayay dhawaaqa madaafiicda ayaa sheegey in madaafiicda ay ku dhaceen meelo badan,ayna jiraan qasaaro xooggan ee soo gaarey ciidamada kenya ee qeybta ka ah Amisom.

Dhanka kale  Ciidaamada Kenya  oo is difaacayay ayaa  sheegay iney u jawaabeen madaafiicda Alshabaab ay ku soo tuureen ,iyadoona dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degmada Ceelwaaq.