Qarax ka dhacay Buurhakaba iyo masuuliyiin ka tirsan Koofur galbeed oo wax ku noqday.

9

Waxaa Faah-faahino ay kasoo baxayaan qarax maanta ka dhacay magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay kaas oo geestay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida la xaqiijiyay qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa  lala eegtay taliyihii hay’adda Sirdoonka NISA ee degmada Buurhakaba Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii degmada Nuurow Ibraahim iyo saraakiil kale.

Waxaa la sheegay in taliyihii hay’adda Sirdoonka NISA ee degmada Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Nuurow Ibraahim ayaa dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray qaraxa, iyadoo labadaasi masuul loo qaaday dhaawacyadooda mid ka mid ah isbitaalada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan weli ka hadlin dhacdadaas, halka dhinaca maamulka degmada ama maamulka Koofur Galbeed uusan kasoo bixin wax war ah oo la xiriira qaraxa.