Faah-faahin dagaal khasaaro ka dhashay oo ka dhacay Gobolka Bari.

3

Wararka ay KNN ka heshay Buuraleyda Gobolka Bari ayaa sheegay in dagaal culus uu halkaa ka dhacay kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland iyo Ururka Al-shabab.

Dagaalka ayaa yimid sida aan xog ku helnay kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo howlgal miino baaris ah ka sameenayay inta u dhexeeysa Sugurre iyo Ballikhadar ee Buuraleyda Gobolka Bari.

Waxaa dagaalka labada dhinac ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada intii ay dagaalamayeen, sida ay inooga warameen dadka goob-joogayaal ah. iyadoo dagaalka lisku adeegsaday hubka qeybihiisa kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Cul culus.

Ciidamada daraawiishta Puntland saraakiisha hoggaaminesay oo ka hadlay dagaalka ay la galeen Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in dhankooda ay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, xili ay wadeen howlgal, isla markaana Shabaabka weerarka soo qaaday ay khasaaro gaarsiiyeen, waa sida hadalka loo dhigay.

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa deegaano dhaco Gobolka Bari ka wado gaar ahaan Buuraleyda Gobolkaas, maadama Al-shabaab ay halkaa ku sugan yihiin islamarkaana ay ku xoogan yihiin, iyadoo dagaal xoogan uu tiro dhowr jeer oo hore ku dhexmaray halkaa islamarkaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhasho.