Afhayenka Booliska:” Dadka meesha ku dagaalamay waa maleeshiyaad”

3

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay iska hor imaadkii maanta galinkii hore ka dhacay magaalada muqdisho si gaar ah isgoyska Banaadir ee u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Kuwa Xoogga dalka iyo Boolis.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta uu iska hor imaadka ka dhacay ayaa in dadka meesha ku dagaallamay ay ahaayeen malleeshiyaad, isagoo beeniyay in ay ahaayeen askar ka wada tirsan ciidanka Soomaaliya. In kastoo uusan sheegin tirada haddana wuxuu tilmaamay in ay dad kala duwan ku dhinteen kuna dhaawacmeen dagaalka.

“Illaa afar qof ayaa goobta ku dhaawacantay oo ay ka mid yihiin saraakiil booliska Soomaaliyeed ah kuwaas oo dhex gashay malleeshiyaadkii dagaallamayay. Hadda goobta waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska wax dhibaato ahna kama jirto”, ayuu yiri.

Intaa waxaa uu Afhayeenka ku daray in dhulkaasi uu hadda dacwadiisa uu horyaalo maxkamada islamarkjaana ay iyada go,aan ka gaari doonto.

Marka laga soo tago hadalka booliska Soomaaliya kasoo baxay, Dagaalkaan waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo markii dambe la kala dhex galay Ciidamadii is horfadhiyayna lakala qaaday.

Taliyaha Ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliya Cabdixamiid Cabdillaahi Fanax oo hoggaaminayay ciidamadda Haramcad ayaa  dhaawac ka soo gaarey iska hor imaadka, iyadoo dhaawac uu sidookale soo gaaray Taliye Ku-xigeenkii degmada Dharkenley ee Haramcad.

Dhaacawayada Taliyaasha ayaa waxaa la sheegay in la geeyay isbitaalka Digfeer islamarkaana halkaa lagula tacaalayo xaaladooda, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex qof oo xaaladdooda caafimaad qeybtood ay culus tahay.