Wasiir Dubbe oo kulan muhiim ah laqaatay wafdi ka socda UNHCR.

5

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday xafiiska hay’addaha xaquutiga aduunka UNHCR.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday xafiiska hay’adda qaxootiga aduunka UNHCR gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya.

Kulaanka oo isbarasho ahaa ayaa waxaa Wafdiga hogaaminayay wakiilka hay,adda qaxootiga aduunka UNHCR xafiiskeeda Soomaaliya Mudane Magatte Guisse waxaa ku wehlinayay Mudane Axmed Ceynte Madaxa Hay’adda UNHCR ee Muqdisho iyagoo kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyta Hay’adda iyo Wasaaradda.

Kulanka sidoo kale waxaa ku wehlinayay Wasiirka Warfaafinta Mudane Cismaan Obokar Dubbe agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Obokar Dubbe ayaa uga mahadceliyay hay’adda Qaxuutiga aduunka howlaha muhiim ka ah oo ay dalka ka qabato gaar ahaan gargaarka iyo samatabixinta dadkeyna ubaahan caawinaada waxaana sidoo kale uu ku booriyay inay sii labo jibaaran howlaha ay ka qabtaan dalka.