Mareykanka oo sheegay in halis argagixiso laga filan karo dalal ay ku jrto Soomaaliya

3

Shir amniga Maraykanka looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Washington, ayaa xilli ay khudbad jeedinaysay Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka Avril Haines waxa ay sheegtay in Afgaanistaan ​​aysan hadda ahayn meesha hanjabaadaha ugu badan ee argagixisada caalamiga ah ee ku wajahan dalka lagu maleego, sida ay baahisay warbaahinta CNN.

Xilli qaar ka mid ah dadka wax dhaleeceeya ay ku doodayaan in Afghanistaan ay hoy u noqon karto ururada argagixisada sida ISIS iyo al -Qaacida si ay dib isugu urursadaan kadib bixitaankii Mareykanka.

“Hanjabaadaha argagaxisada ee ka imanaya Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq – gaar ahaan ISIS – ayaa ka khatar badan kuwa laga yaabo inay ka yimaadan Afgaanistaan,” Ayey tiri Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka Avril Haines xilli ay ka hadlaysay shir -sannadeedka Sirdoonka iyo Amniga.