DEG DEG:-Muuse Suudi oo mar kale loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare

2

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay wareega saddexaad ee kursigii ugu horreeyay ee doorashada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Maamulkaas.

Wareega saddexaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow iyo Axmed Xuseen Caddow Daaci, kuwaasi oo kusoo baxay wareegii koowaad ee doorashada ka socota Jowhar.

Musharax Cabdullaahi Sheekh Xasan oo isna kusoo baxay wareegii koowaad ee doorashada ayaa ku haray wareega labaad, isagoona tanaasulay, wuuxuna markii hore helay codad gaaraya 15 Cod, halka Dr. Caddaay oo wareegii koowaad ku haray oo helay 2 Cod.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Muuse Suudi Yalaxow u doortay inuu mar kale kamid noqdo Senatorada Aqalka Sare ee Maamulkaas ku metelaya Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna helay codad gaaraya ilaa iyo 55 Cod, halka Axmed Daaci uu helay 43 Cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar, wuxuuna shaaciyay in Muuse Suudi uu ku guuleystay kursigii ugu horreeyay Aqalka Sare ee Hirshabeelle.

Dhinaca kale waxaa daqiiqado kadib bilaaban doonta doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ay ku tartamayaan laba Musharax oo kala ah Maxamed Cusmaan Dhega-Juun iyo Nuur Maxamed Geedi (Canjeex).