Qoor qoor oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay arrimaha doorashooyinka.

1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Madaxweyne  Qoor Qoor  iyo Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Ms. Tiina Intelmann ayaa kulan kooda diirada ku saaray xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Danjiraha Cusub ugu mahad celiyay taageerida Soomaaliya ay la garab taagan yihiin iyo dadaalkooda ku aadan Soomaaliya oo noqoto mid isku duuban.