27 musharax oo maanta khudbadahooda ka hor jeediyay Baarlamaanka Hirshabelle.

1

Maanta waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacday hadal jeedinta musharixiinta u tartameya Aqalka Sare ee baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-shabelle gaar ahaan Kalafadhigiisa 2aad.

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-shabelle waxaa shir Guddoomiyay Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Abdihakin Lukman Haji Mohamed oo ay wehlinaayen Gudoomiye kuxigenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq iyo Gudoomiye Kuxigenka Mudane Mahad Hassan Osman.

Xildhibaannada ayaa khudbadahooda ka dhageestay maanta 27 Musharax oo u tartameya qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya Hir-shabelle, iyadoona lasoo gaba gabeenayo maanta hadaljeedinta mudanayaasha.

Magaalada Jowhar waxaa maalinta beri ah oo talaado ah waxaa lagu wadaa iney ka dhacdo sida uu qorshahu yahay doorashada 8 kursi ee Aqalka Sare ku matalaya Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.