Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo kormeer ku tagay Dekada Muqdisho

1

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekeda Muqdisho oo ka mid ah meelaha dowladda kasoo galo dakhliyada ugu badan.

Wasiir Beyle ayaa waxa uu kormeeray dhamaan qeybaha Dekeda oo ay ka socdaan howlaha loogu adeegayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go,antahay hagaajinta hanaanka iyo hufnaanta maaliyadda waana sababta ay soomaaliya ugu guuleystay qeybo badan oo ka mid ah deyn cafinta Soomaaliya.