Soomaalida ku nool Mineaplis oo cabsi soo wajahday.

2

Muslimiinta ku nool xaafada Ceder ee Soomaalidu degan tahay ee Mineaplis Cabsi ayaa soo wajahday, kadib markii Masaajid halkaa ku yaalo ay gudaha u galeen labo nin oo cadaan ahaa oo afka ufuran kadibna gidaarada qaar ka mid ah masaajidka ay ku qoreyn fariin aan lafahmin waxa ay kala jeedaan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa tilmaamay in labada nin 11 kii subaxnimo ay labo nin oo cadaan ah oo qaba dhar madow oo isku eg islamarkaana uu wajiga u furnaa ay yimaadeen Masjidka Imaamu Shaafici ee ku yaalo Xaafada Ceder ee Soomaalidu degan yihiin ee Mineapolis.

Waxaa uu sheegay kadib markii ay yimaadeen masaajidka iney bilaabeen in ay la soo baxaan koobbooyin ugu jira khad markaa kadibna ay ku qoreen qaar ka mid ah darbiyada Masaajidka.

Waxaa uu yiri sidaan” 11 kii subaxnimo ayaa labo nin oo cadaan ah oo dhar isu eg oo madow qaba wajigana uusan u duubneen ayaa si cad u yimid masaajidka Imaamu Shaafici ee ku yaala xaafada Ceder ee Soomaalidu degan tahay ee Mineapolis horeyna waxey ka bilaabeen iney la soo baxaan Kuubbooyinkaan khada ku jirto iney khada darbiga ku qoraan.

intaa waxaa uu ku daray hadalkiisa “Dad dariiqa marayay ayaa bilaabay iney hoonka yeeriyaan oo ay yiraahdaan waan idin aragnaa, wiil dhalinyaraa oo xafada degan oo ardada jaamacada ah ayaa muuqaal ka duubay oo wajikoodii ilaaa waxii ay meesha ku qoreen iyo markii ay baxayeenba.