RW Rooble oo la kulmay Guddiga Doorashada Somaliland

8

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble kulan la qaatay Guddiyada Doorashada ee Gobolada Waqooyi.

Kulanka ayaa looga hadlay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare,Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland, kulankaas oo uu sidoo kale ka qeyb galo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Ra’iisul ku-xigeenka XFS Mudane Mahdi M. Gulaid ayaa sheegay in toddobaadka soo socda la bilaabi doono doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland).

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS  Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay xallinta khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland, isagoo u ballan qaaday in ay ku garab taagan yihiin hoggaamintiisa howlaha doorashooyinka dalka

Dhawaan ayay ahayd markii ay heshiis wadajir ah ay ka gaareen  guddoomiyah golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka kaas oo lagu soo afjaray is afgaran waagi ka tagna arrimah doorashada gobollada waqooyi.