RW Rooble oo faray Wasiir Beyle in aan wax lacag ah laga bixin khasnadda dowladda

4

Warqad kasoo baxday Xafiiska RW Soomaaliya ayaa la faray wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle in aan wax kharash ah laga bixin karin qasnadda dowladda iyadoo aan ogolaansho laga haysan RW.

RW Roble ayaa ku micneeyay amarkan ” lyada oo laga ambaqaadayo marxaladda kala-guurka ee dalku marayo iyo baahida loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho hannaanka kharash-bixinta DFS iyo isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF ee looyaqaan SRDs, Ra’isul Wasaaraha XFS wuxuu faray Wasaaradda Maaliyadda ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto Afar qodob oo kala ah:

1) In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee. ilaa oggolaansho laga helo
Ra’iisul Wasaaraha.

2)  Mushaarka Ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka cidamada, mashaariicda iyo wixii kale
ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta
Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan Rw
inta aan la bixin wax lacag ah.

3) in wax lacag ah aan laga qaadi karin qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo
yaqaan SDRs iyada oo aan oggolaansho laga helin RW.

4) waxaana sidoo kale, la ogeysiiyay in aysan jirin wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku socoto.