RW Rooble iyo ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM oo kulmay.

11

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed ayaa sidoo kale kulan dhinacyo badan looga hadlayay waxay maanta la qaadatay madaxweyne Farmaajo.

Kulamadan ayaa kusoo aadaya , iyadoo uu jiro khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya MW Farmaajo iyo RW Rooble.