Xildhibaan lagu dilay Laascaanood

12

Wararka naga soo gaaraya degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in goordhow halkaasi lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Golaha Deegaanka.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo  Cabdirisaaq Cirfe ayay goobjoogeyaal sheegeen in la dilay isaga oo hor fadhiya gurigiisa.

Kooxda dilka geysatay oo aan haybtooda la garaneyn ayaa goobta isaga baxsaday ka dib toogashada.

Ciidamada ammaanka ee degmada Laascaanood ayaa soo gaaray goobta, iyaga oona sameeyay howgallo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dilka xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe.