Prof Cabdiwahaab Sheekh Oo Laga Qafaashay Bartamaha Nairobi

4

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamed oo ah Aqoonyahanka ayaa la la’ yahay muddo labo maalmood ah waxana ay sheegeen qoyskiisa inay raadinayaan halka uu ku sugan yahay, ka diib markii laga qafaashay bartamaha magaalada Nairobi.

Cabdiwahaab oo ahaa bare jaamacadeed ayaa sidoo kale ahaa falanqeeye ka faallooda arrimaha Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in afar nin oo aan la garanayn ay ku riteen baabuur xilli uu marayay waddada Turbman ee Bartamaha Caasimadda Kenya.

Ehelada Proff Cabdiwahaab ayaa sheegay inay tageen saldhigga dhexe ee Booliska oo ay ka raadiyeen balse illaa iyo hadda aysan hayn halka lala aaday.

Cabdiwahaab ayaa xubin ka ahaa qaar ka mid ah macyada cilmibaarista ee ka dhisan Geeska Afrika, isaga oo sida oo kalena warbaahinta ugu caansan Kenya wax ku qori jirey.Wuxuu sidoo kale ahaa falanqeeye siyaasadeed oo arrimaha Soomaaliya ah.