MW Farmaajo iyo RW Rooble oo shir ugu Furmay Madaxtooyada.

1

Warar soo baxaya ay heshay KNN ayaa sheegaya iney Madaxtooyada Somaaliya ka socdaan kulamo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa la sheegaya iney wadaan kulamada la doonayo in labada dhinac lagu heshiisiiyo ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Saacadahii lasoo dhaafay ayaa si weyn looga dhex dareemayay gudaha madaxtooyada Soomaaliya dadaalada xoogan ee labada madaxweyne ay ku doonayaan iney ku dhameeyaan khilaafka culus ee ka dhex jira labada masuul ee ugu sareysa dalka, kuwaas oo uu khilaafkooda ka dhashay arrinta Ikraan Tahliil ee xilka qaadista ku sababsaday taliyahii NISA Fahad Yaasiin.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Xalay kulan saacado badan qaatay uu dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo labada madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cabdicasiis Laftagareen, kaasoo looga hadlaayay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka culus ee xiligaan u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa sidoo kale la sheegay in kulanka Rooble kadib ay kulan kale la qaateen madaxweyne Farmaajo oo ay sidoo kale kala hadleen xal u helida khilaafka xoogeystay ee kala dhaxeeya Raysal wasaarahiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhinacyada lis horfadhiisiyay islamarkaana xoogaa ay isku soodhawaansho muujinayaan, inkastoo midba midka kale uu ku adkeysanaayo mowqifkiisa ku aadan wixii hore ay is kugu khilaafeen wali xal rasmi ah lagama gaarin Khilaafkaan u dhaxeeyo Farmaajo iyo Rooble Kaas oo xoogeestay qaatayna maalmo.