Afhayeenka Xukumadda oo ka hadlay kulanka Farmaajo iyo Rooble

3

Afhayeenka Xukumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in uu weli socdo shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Afahyeenka ayaa sheegay in uusan jirin weli war rasmi ah oo ka soo baxay wada hadalka madaxda, isla markaasna laga fogaado wararka been abuurka ah lagana war sugo.

Afhayeenka oo qoraal boggiisa Facebook ku daabacay ayaa waxaa uu ku yiri:

“Alle halaga baqo ,wax soo baxay weli ma jiraan. Madaxda kulmeysa halaga war sugo. Beenta dadka lagu wareerinayo hala joojiyo”.