Galgaduud:-Dad ku dhintay Ceel biyood ku dumay

6

Wararka aan ka helayno degaanka Goola Goole oo dhanka Waqooyi kaxiga 75km Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in seddex qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen kadib uu ku dumay Ceel ay qodayeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno ayaa sheegaya in ay geeriyoodeen Seddexda Ruux oo dhammaantood rag ahaa, waxaana sababay dhimashadooda sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah Ceel biyood ay qodayeen oo ku dumay, waxaa lasoo sheegayaa in goor dambe laga soo saaray maydka Seddexda Nin ee Ceelku ku dumay.

Dadka degaanka ayaa ku guuleystay in ay bannaanka u soo saaraan Maydadka, waxaana la filayaa in la aaso.

Degaanada miyiga ah ee Gobolkaasi ayaa inta badan waxaa ay ku tiirsan yihiin Ceel biyoodyada, waxaana dadku ay biyaha ka cabaan Ceelal aad u dhaadheer, oo inta badan halis ah.

Waxaana xusid mudan in tiro dhowr jeer ah ay dad shacab ah ku dhinteen, Barkado iyo Ceelal biyoodyo ku dumay, taasina waxaa inta badan ay cabsi iyo walwal kku abuurtaa dadka Reer guuraaga ah eek u tiirsan Nolosha Ceel biyoodyada degaanadaasi.