NUSOJ oo Magaalada Baardheere Tababar ugu Qabatey Suxufiyiinta (SAWIRRO)

7

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee NUSOJ ayaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo tababar ugu furay qaar kamid ah Suxufiyiinta ka howl gala Magaalada.

Tababarka ayaa waxaa ka faaideysanaya 30 Wariye oo ka howlgala magaalada Bardheere, kuwaasi oo baran doona, Xoojinta kaalinta Warbaahinta ay ku leedahay ciribtirka gudniinka Fircooniga ah.


Furitaanka tababarka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Baardheere,Madaxa Arimaha Bulshada ee Baardheere,Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada,Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada degmada ,Gudoomiyaha Golaha Odoyaasha Baardheere,iyo Xubno kale oo ka tirsan Ururada Bulshada degmada iyo Qaar ka mid ah Culuma,udiinka Degmada.

Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Ururka NUSOJ Axmed Cumar Saalixi ayaa ku faah-faahin ka bixiyay ahmiyada tababarka ugu leeyahay Wariyaasha iyo sida hufan ee la doonayo in aqoonta ay faaideystaan ay bulshada ku wacyigeliyaan.

Gudoomiayaha Maamulka degmada Baardheere ,Maxamed Weli Yuusuf(Qorax)ayaa tababarka u furey Wariyaasha isagoona boggaadiyay doorka Ururka NUSOJ ee horumarinta Barnaamijyada Wariyaasha aqoontooda lagu dhisayo, wuxuuna Suxufiyiinta kula dardaarmay in ay tababarka ka faaideystaan, loona baahan yahay in duruusta ay bartaan laga arko shaqadooda.

Tababarkan uu qabtay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa ka taageeray Hay’adda UNFPA oo ay wadashaqeyn dhaw leeyihiin.