Maxaa looga hadlay shirkii ay Muqdisho ku yeesheen Taliyeyaasha Ciidanka Dowladda

6

Taliyaasha ciidamada Milatryga, Booliiska, Asluubta iyo Taliyaha NISA Yaasiin Fareey ee uu soo magacaabay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi maxamed Farmaajo, ayaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana uu si guud kaga warbixiyay kulanka iyo waxyaabihihii ay iska wareysteen, isagoo intaas ku daray in arrimaha ammaanka ay ka wada hadleen iyo sidii qaybaha kala duwan ee Ciidanku ay ammaanka u sugi lahaayeen.

Taliye Xijaar ayaa intaas ku daray in arrimaha ay sida gaar ah uga wada hadleen Taliyeyaashu arrimaha doorashooyinka iyo sidii ammaanka la isaga kaashan lahaa, oo qaybaha kala duwan ee Ciidanku ay isaga gacansiin lahaayeen dhan waliba oo ku aaddan ammaanka.

Si kastaba shirkaan ayaa ahaa mid ka mid ah shirarka caadiga ah ee ay isugu yimaadaan Taliyeyaasha Qaybaha Kala duwan ee Ciidanka dalka, sida Nabad Sugidda,Booliska, Millateriga, Asluubta.