Puntland oo xukun dil ah ku riday Seddex ruux.

4

Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa Maanta xukun ku riday Saddex rag ah oo lagu eedeeyay inay inay kufsi wadareed u geysteen Wiil 13 jir ah oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cabdifitaax Sheekh Xuseen.

Seddex ragga ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Shaamil Maxamed Cali, Sakariye Cabdiraxmaan Saciid & Bishaar Maxamed Cali, kuwaas oo gaari ku qaatay Wiilka ay faraxumeeyeen iyadoo ay suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland  Cabdinaasir Maxamed Cali oo xukunka ku dhawaaqay isagoo sheegay in kadib markii la helay cadeeymaha kiiskaan ay maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland xukun dil toogasho ah ku riday Saddexda raga ah, kuwaas oo kala ah, Xuseen Shaamil Maxamed Cali , Sakariye Cabdiraxmaan Saciid & Bishaar Maxamed Cali.

Sidaan oo kale ayee Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland xukuno kala duwan ugu riday shaqsiyaad, kuwaas oo lagu helay falal kufsi oo ay u geesteen hablo iyo Caruur.