Ciidamo dheeraad oo la geeyay xarunta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya

4

Ciidamo ka tirsan kuwa Koofi Casta ayaa la dhigay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya , iyadoo shaqaalaha dowladda ee ka howlaga Wasaaradaas lagu amray iney yareeyaan isku socodka Sida aan xogta ku helnay.

Ciidamadaan koofis casta ayaa ka socda Xafiiska Madaxweynaha kuwaas oo wata gaadiidka dagaalka, lama oga sababta rasmigaa ee  ka dambeysa, iyagoo Ciidamada diidayo in aqoonsi la’aan la isuga gudbo gudaha wasaaradda, sida, dhismaha Raadiya iyo kan TV-ga oo sidoo kale ay ku yaalaan xarumaha madaxda wasaaradda.

Waxaa jirta mad madoow soo kala dhexgalay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay shaqo joojin uu ku sameeyay Mr Rooble Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimihii Hay’adda NISA.

Sidookale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday dhankiisa Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ee shaqo joojinta ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha ku amray in uu sii wato shaqadiisa.

Lama oga waxa uu ku dhambeyn doona khilaafkaan dhinacyada kasoo dhex cusboonaaday, kaas oo salka ku hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo wali ehelkeeda ay dalbanayaan Cadaalad iney helaan.