Maxbuuskii lagu qabtay dagaalkii Ciidamada Mareykanka oo isku sharxay Senotar.

7

Maxbuus kii dagaal ee  Mike Durant oo ka mid ahaa Ciidamadii ka soo dagaalamay Soomaaliya sanadii 1993 ayaa ka fakaraya in ay suuragal tahay  in uu isku sharaxo in uu ka mid  noqdo  Xildhibaannada Aqalka  saree e dalka Maraykanka, asagoo ka soo gali-doona dowlad Gobleedka  Alabama’s.

Mike Durant ayaa  waday diyaaradii Helikobtarkii lagu magacaabi jiray  Black Hawk oo ku qaraxday kaddib,markii lagu dhufty Qoriga RPG, taas oo keentay in uu gacanta u galo Maleeshiyadii Soomaalida  ee la dagaalamay Ciidamadii Maraykanka.

Ciidamadii uu gacanta u galay ayaa haystay muddo 11 bari ah, iyadoo markii danbana la siidaayey.

Sargaalkaan ayaa marka uu ka fariistay Shaqadii Ciidanka, noqday Xubin aad u firfircoon oo Kaalin fiican kuleh Siyaasadda dalka Maraykanka, wuxuuna si firfircoon uga qayb-qaatay Olalihii doorashadii George W. Bush 2004.

Mr, Durant ayaa Taarikhdiisa Militry ka mid tahay sheekooyinka ugu caansan dalka Maraykanka, isagoo Olelihiisa saldhig uga dhigay, doorashada Mr Mike Durant ayaa waxay dib-u soo noolayn kartaa  Muuqaaladii iyo Dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1993.