Cumar Cabdirashiid Oo RW Rooble U Diray Farriin Ku Aaddan Kiiska Ikraan Tahliil

1

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan oo ka sal-gaara dilkii loo geystay Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

“Waa war aad looga naxo inaan maqalnay dilka Ikram Tahliil. Allah ha u naxariisto oo ha siiyo Jannah Fardousa” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Cumar Cabdirashiid, isagoo intaas ku daray “Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhuu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddii ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loonaa xiksaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan daahsoon”

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June.

Hooyada dhashay Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad, oo la hadashay VOA ayaa warka NISA ku t waxba kama jiraan.