AMISOM oo saraakiil Booliis u tababartay sugida Amniga Doorashada

4

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in 27 sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya ay dhammaysteen tababar shan maalmood ah oo ku saabsan sidii si hufan loo sugi lahaa doorashooyinka socda.

Tababarka oo la siiyay saraakiisha booliiska ee ka socda dowladda Federaalka iyo labada dowlad -goboleed ee xubnaha ka ah federaalka ee Puntland iyo Galmudug ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa awoodda ka -qaybgalayaashu qaababka sharciga ee doorashooyinka, doorarka iyo waajibaadka taliyayaasha booliiska iyo ciidamada amniga ee doorashooyinka, maareynta nidaamka dadweynaha, iyo sidoo kale wuxuu bixiyay tilmaamo ku saabsan arrimaha amniga ee la xiriira jinsiga.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Farxaan Cali Maxamed oo ka hadlay munaasabadda lagu soo gunaanadayay tababarka ayaa rajeeyay in xirfadaha la helay ay sare u qaadi doonaan awoodda saraakiisha ee diyaarinta, qorsheynta iyo fulinta howlgallada amniga inta lagu jiro doorashada.

“Waxaan ku jirnaa xilli doorasho, ammaankuna aad ayuu muhiim ugu yahay hannaanka dimuqraadiyadda. Iskudubaridka saraakiisha booliiska Soomaaliya iyo AMISOM wuxuu xaqiijin doonaa inaan helno doorasho lagu kalsoonaan karo, ammaan ah oo xalaal ah,” ayuu yiri Cali.

La taliyaha maareynta istiraatiijiyadda ee AMISOM e Ecotu ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) uu hoggaamin doono sugidda amniga goobaha doorashada iyo saraakiisha doorashada iyo ergooyinka halka doorka AMISOM uu yahay in ay taageero siiyaan SPF.

Doorashooyinka dalka ayaa billaawday, iyadoo maamulada qaar ay doorteen xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana dhowaan la filayaa in la guda galo doorashada Golaha Shacabka.