Madaxda Ugu Sarreysa Dalka Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Maxamed Cumar Saalixi

3

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikh nololeedka Marxuumka oo ku suntanaa dal jaceyl iyo howlkarnimo, taas oo ay ka mid tahay in Sarreeye Gaas Maxamed Cumar, Alle ha u naxariistee, uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeen, Hoggaanka Sahanka iyo Maababka Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo hormuud u ahaa hirgelinta mashaariic horumarineed oo dalka laga fuliyey siddeetamaadkii.

“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.”

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida Allaha ha u naxariistee Eng.Maxamed Cumar Saalixi.

Allaha u naxariistee marxuumku waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hagar la’aan ah, waxaana si gaar ah loogu xusuusan doonaa kaalintiisii difaaca baddeenna, isagoo door muuqda ku lahaa heerarkii ay soo martay dacwadda baddeenna ee dhex taalla Soomaaliya iyo Kenya.