Madaxweyne Cali Guudlaawe Oo Amar Siiyey Laamaha Amniga Hirshabeelle

4

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga ee deegaanada Maamulkaas oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee amniga warbixin guud uga dhageystay saraakiisha Hay’adda amniga Hirshabeelle, iyadoo kulankaan looga hadlay amaanka deegaanada Hirshabeelle, sameynta Howlgalo qorsheysan, adkeynta Amniga musharixiinta, iyo xaqiijinta Nabad galyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka sameeyeen, is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahqaan Magaalooyinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu dambeyn Saraakiisha Amniga faray inay laba laabaan howlaha shaqo ee loo igmaday adkeeyaana amniga guud gaar ahaan kan Jowhar, maadaana maalmaha soo soacda ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka Sare.

Kulankaan ayaa waxaa qeybgaleen Wasiirka Amniga Gudaha, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Taliska Booliska, Saraakiisha Amisom ee Secter five, iyo Howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha,