Weerar lagu qaaday garoon ku yaala Sacuudiga

7

Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn (drone) oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu dhaawacay sideed qof, sida uu sheegay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiag ee Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta.

Kadib weerarkii hore “diyaarad labaad oo isku dayeysay inay weerarto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha ayaa dhexda laga qabtay lana soo riday,” ayaa lagu yiri war-saxafaadeed kasoo baxay isbaheysiga, oo uu sii daayey taleefishinka boqortooyada Al-Akhbariya.

“Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah, sida ay sheegayaan warbixino horudhac ah,” ayuu intaas ku daray war-saxaafadeedka.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka