Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Guudlaawe Iyo Guddiga Doorashada Aqalka Sare?

2

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta Magaalada Jowhar kulan kula qaatay xubnaha Guddiga Baarlamaanka Maamulkaas ee doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga doorashada ayaa waxaa looga wada hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Guddiga u sheegay in muhiim ay tahay in doorashada ka dhaceysa Caasimadda Hirshabeelle ay noqoto mid ku dhacda si hufan oo cadaalad ah, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartamaya doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo deegaanada Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa gaaray Musharaxiin kala duwan oo dooneysa inay kamid noqdaan Senatorada uu soo saarayo Madaxweynaha Maamulka, waxaana Maamulka Hirshabeelle uu yahay maamulka kaliya ee aan weli bilaalin doorashada Aqalka Sare.