Kulan Laga Yeeshay Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika Ee Soomaaliya

4

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa maanta ka qeybgalay kulan fogaan arag ee AU PSC, oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxii ka dambeeya Sanadka 2021-ka.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa uu soo dhowaayey bayaankii wadajir ahaa ee Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika ee ku saleysana 19-kii bishii Agoosto 2021 Muqdisho ee diirada lagu saaray qiimeyn ay Madaxda Midowga ku sameeyeen Hay’addaha amniga inay diyaar u yihiin in AMISOM kala wareegaan amniga guud ee dalka.

Sidoo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa soo jeediyey in laga gudbo warbixintii qiimeynta madaxa bannaan ee AU-da ee dhawaan ay Dowladda Federaalka diiday.

Waxaana uu adkeeyey Wasiirka Gaashaandhigga in Goluhu ay ahmiyadda siiyaan rabitanka dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda marka ay go’aaminayaan arrimaha ku saabsan amniga iyo nabad galyadda dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii wafdi ka socda Midowga Afrika ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, iyagoona hay’addaha amiga dowladda kala hadlay Arrimo ku aadan sugida amniga iyo qorsheyaal ku aadan AMISOM.