Wasiirka amniga Galmudug oo digniin u diray dadka lagacaha siiya Al-shabaab.

3

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in Galmudug iyo Puntland ay isla meel dhigeen iskaashiga sidii loo soo afjari lahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Koofurta maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Puntland iyo Galmudug ay ka wada go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab oo u sheegay in awoodooda ay tahay mid aad u liidata.

“Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaalo Al-Shabaab looga dilay in ka badan 250 dagaalyahan, dhawaana waan la soo afjari doono dagaalada aan kula jirno” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Gabagabadii wasiirka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay dadka shacabka ah ee lacagaha siiya dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana sheegay in dadkaasi lala xisaabtani doono.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo is kaashanaya ayaa dagaal kula jira dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo dhawaan Ciidamada Dowladda iyo Daraawiishta Galmudug kala wareegay deegaano dhaca koofurta Gobolka Mudug iyo Gaadiid dagaal uu lahaa Galmudug, kadib dagaal xoogleh oo dhexmaray.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa hadda wado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab islamarkaana ay rabto iney dib ula wareegto deegaanada ay ururka Al-shabaab kaga sugan yihiin Koofurta Mudug.