Kulan Looga Hadlayay Xoojinta Amniga Oo Lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo

3

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa ka qeyb galay Kulan looga hadlayay Xoojinta Amniga Magaalada Gaalkacyo kaasi oo ay goobjoog ahaayeen Saraakiisha ugu Sareysa Taliska Qeybta booliska Gobalka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo iyo Taliska Nabad Sugida.

Kulan intii uu socday ayaa la iska xog waraystay ammaanka guud ee magaalada iyo Maandooriyaha waxaana lagu adkeeyay sii wadista Hawlgalada Amniga lagu Sugayo.

Maayarka Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo Saraakiisha Amniga ku amaanay Shaqada ay bulshada u hayaan ayaa ugu baaqay Shacabka Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga kuna soo wargeliyaan qatar kasta oo ay dareemaan si Gaalkacyo u noqoto goob ka caagan dagaalamaayasha Al-shabaab oo inta badan dilal iyo qaraxyo ka fuliya Magaalooyink iyo degaanno ka tirsan Gobolka Mudug.