Biden oo hanjabaad u diray Kooxda Daacish

1

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden  ayaa sheegay in daad-gureynta ka socota garoonka Kabul ay sii socon doonto, kaddib qaraxyadii ay ku dhinteen 60-ka qof, oo ay ku jiraan 13 ciidamada Mareykanka ka tirsanaa.

“Waa inaynu dhammeystirnaa howlgalkan waana sameyn doonnaa,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale wacad ku maray in la ugaarsan doono dadkii ka dambeeyay.

Biden ayaa ballan qaaday dhammeystirka howlgalka, isagoo intaas ku daray “nama carqaladeyn doonaan argagixisada”.

Madaxweyne Biden ayaa yiri: “Ma cafin doonno. Ma illaabi doonno. Waynu idin ugaarsan doonnaa waanad ka shallaayi doontaan.”

Biden ayaa sheegay in ciidamada dhintay “ay ahaayeen geesiyaal ku guda jiray howlgal nafhurnimo ah oo lagu badbaadinayay nolosha dadka kale”. Ayuu yiri markale.

Biden ayaa sheegay in ciidamada dhintay “ay ahaayeen geesiyaal ku guda jiray howlgal nafhurnimo ah oo lagu badbaadinayay nolosha dadka kale”. Ayuu yiri markale.