Maxamuud Sayid Aadan oo shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada Jubbaland.

2

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah ee maamulkaas.

Shirka waxaa looga hadlay todobaadkaan qodobo dhowr ah oo ku saabsan Jubbaland ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda.

Intii uu kulanka Golaha Wasiiradda socday waxaa warbixino looga dhageestay wasiirrada wasaaradaha Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga, Deegaanka iyo Dalxiisa iyo sidoo kale wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka