Al-Shabaab oo markale qabsaday Bacaadweyne iyo Camaara.

4

Kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen Al-Shabaab.

Isla maalinkaas, warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara, waxaana taliska ciidanka Soomaaliya uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 90 maleeshiyo oo Shabaab ah.

Militariga Mareykanka ayaa goor dambe sheegay in fuliyeen duqeyntaas.