Wasaaradda Ganacsiga oo si rasmi ah u daahfurtay Xog-keydiyaha Ganacsiga Soomaaliya

5

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Xog-keydiyaha Ganacsiga Soomaaliya oo ah Website casri ah (www.stip.gov.so) oo lagu soo uruuriyey xogaha la xiriira Ganacsiga sida shuruucda, xeer-nidaamiyeyaasha iyo guud ahaan xogaha kale ee khuseeya habraacyada Ganacsiga dalka ee ay gacanta ku hayaan hay’adaha dawladda.

Munaasibadda Daah-furka Barnaamijkan oo ka qabsoontay Muqdisho, ayaa waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh Bagadi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Agaasimeyaal, agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, Ganacsato iyo mas’uuliyiin ka socday Baanka Adduunka.

Wasiirada oo ugu horreyn Madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay daah-furnaanta Ganacsiga isla-mar-ahaantaana ay Ganacsatada iyo Maal-gashadeyaasha caalamiga ah ay si fudud ganacsiyo iyo maal-gashiyo uga samayn karaan dalka. Waxa sidoo kale ay tilmaamaameen in arrintani ay muhiim u tahay ganacsiga iskaga gudba xuduudaha iyo inuu wax weyn ka tari doono ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka iyo gelitaanka heshiisyada ganacsiga ee wadamada caalamka.

Agaasimeyaasha iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah oo iyagu dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa waxay sheegeen maadaama oo barnaamijkan la sameeyey uu yarayn doono wakhtigii ganacsatada kaga lumi jiray abuurista shirkadaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga dalka isla-mar-ahaantaana ay si fudud ku heli karaan xogaha la xidhiidha Ganacsiga wadanka.