Al-shabaab oo soo bandhigtay hub iyo gaadiid dagaal ay ku qabsatay dagaalkii Camaara.

4

Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ay sheegeen inay ku qabsadeen weerarkii arroornimadii shalay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Xoogga iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qabsadeen 18 gaari oo ay ku jiraan gaadiid nooca xamuulka iyo kuwo casri ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo saanado ciidan oo taalay Saldhiga Ciidamada.

Sidoo kale Waxay tilmaameyn in dagaalkii ka dhacay Magaalada Camaara ee Mudug ku dileen 35 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada, kadib weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin oo ay ku qaadeen halkaas.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa gelinkii hore ee shalay sheegay inay iska difaaceen weerarkii ugu yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana ay ka dileen in ka badan 60 xubnood.

Iyadoo qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu xusay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Camaara lagu dilay dagaalamayaashii weerarka soo qaaday, iyagoona beeniyay in gaadiid iyo hub laga qabsaday, sidoo kalena lagala wareegay Camaara.

Horraantii bishan ayay ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen magaalada Camaara oo in muddo ah maamulayeen Ururka Al-sbabaab, iyagoo Ciidamad huwanta ay howlgallo wadajir ah Al-shabaab ay kala wareegeen degmooyin ay ku jirto Bacaadweyn, magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug.